19 ruux oo ku dhimatay shil gaari ka dhacay inta u dhaxeysa Makkah iyo Madina

0
405

Makka(INO)— 19 ruux u dhashay dalka Masar ayaa ku geeriyooday shil gaari ka dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Makkah iyo Madina ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiga, sida ay qortay wakaalada wararka dalka Masar ee Mena.

Gaarigan shilka galay ayaa waxaa saarnaa 44 ruux soo gudanayay acmaasha Cumrada, waxaana shilkaas ku dhintay 19 ruux

Ma cadda illa aiyo hada waxa sababay shilkan, balse waxaa laga shakisan yahay in darawalka gaariga waday uu hurday.

Meydadka iyo dhaawacyada ayaa la geeyay Isbitaal ku yaalla magaalada Madiina, iyadoo Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar uu sheegay in meydadka loo soo qaadi doono Qaahira.

Shilka ayaa imaanaya maalmo kaddib markii 16 xujey u dhalatay Falastiin ka soo safray Daanta Galbeed ay dhinteen kaddib markii uu baskoodu ku qalibmay dalka Urdun xilli ay ku wajahnaayeen waddanka Sacuudi Carabiya.

Idale News Online, Makka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here