Saleh Abdelsalam oo qirtay inuu rabay inuu is qarxiyo intii uu socday weerarkii Paris

0
324

Paris(INO)— Saleh Abdesalam oo looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weeraradii Paris lagu qaaday bishii November ee sanadkii hore ayaa markii u horeysay su’aalo la weydiiyay.

Ninkan ayaa laga saaray Isbitaal, kadib markii ciidamada booliska ay lugta ka dhaawaceen, intii uu socday howl gal lagu qabanayay oo ka dhacay meel ka mid ah magaalada Brussels.

Dacwad oogaha Faransiiska ayaa sheegay in Saleh Abdesalam uu qirtay inuu rabay inuu is qarxiyo, intii uu socday weerarkii Paris ee lagu dilay 130-qof.

Sidoo kale waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil, inuu abaabulay weerarkii Paris iyo inuu ka tirsanaa Koox Argagixiso ah.

Qareenka u doodaya Mr Saleh ayaa sheegay inuu u dagaalami doono, sidii aan loogu wareejin laheyn Faransiiska.

Dowladda Faransiiska ayaa dalbatay in Saleh Abdesalam lagu soo wareejiyo, kaasoo ahaa nin ay aad u doon doonayeen.

Kooxdii ka dambeysay weeraradii Paris ee bishii November ee sanadkii 2015 ayaa badankood heystay dhalashada Belgium.

Idale News Online, Paris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here