Dhageyso: Col. David Obonyo “Madaxweynaha Soomaaliya Waxaan Filaa Inuu Ku Koox Yahay Al-Shabaab’

0
301

Nairobi(INO) -Afhayeenka difaaca dalka Kenya Corne David Obonyo oo wareysi siiyey qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya waxa uu gabi ahaanba beeniyay warka sheegaya in inta u dhaxeysa 180 ilaa 200 oo askari looga dilay weerarkii ay Al-shabaab bartamihii bishii hore ay ku qaadeen xero ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo.

Afhayeenka oo ay soo xiganayaan wargeysyada qaarkood ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in arin ku saabsan tirada Kenya ee ku dhintay  weerarkii Ceel Cade uu san siin warbaahinta.

Sidoo kalana aanu jirin masuul ka tirsan Kenya oo ka hadlay arintaasi, waxaase uu qiray in ay jiraan ciidan kaga dhintay weerarkaasi.,

Waxaa dhanka kale uu tilmaamay Obonyo in urur la mid ah Al-shabaab oo ciidanka intaasi ka dili karin sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa si kulul u beeniyey warka madaxweynaha Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayey waregeyska The Star ee Kenya ayaa Obonyo waxa uu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya waxaan filaa inuu ku koox yahay Al-Shabaab, tirada uu sheegayo waa wax aad uga fog tirada cutubka ka koobnaa”.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here