Marka(INO)- Muuqaal Xiiso Badan ” Sideed Ku Sheeganeysa Shabellaha Hoos, Sharci Waan Aqaana aniguba Waa Idin Shabinaya”
Halkan Ka Daawo
Jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee gobolka Shabellaha Hoose Ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa la murugsan Xaalada Cakiran Ee Taagan Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona dalbadey in dowlada KG Soomaaliya ay wax ka bedesho siyaasada Gobolkaasi.
Hadalkan Guundiga ah ayaa waxa hawada loo marinaya Dadka La Sheegey inay ka soojeedaan Gobolada Dhexe ee soomaaliya isla markaaana Hadda Ku Sugan Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona xiran Dareeska Dowlada Federalka Soomaaliya kuwaasoo la shegey inay dhibaato Weyn ay ka haayaan Degaanada Gobolka Shabellaha Hoose.
Gobolka Shabellaha Hoose ayaa inta badan waxaa daadsan Isbaarooyin tiro badan kuwaaaso ay dhigteen dad aan degaanka ahayn isla markaan waxa gobolkaas, waxa ka jiro amaan daro, dhac, kufsi iyo Dhul balaaris iyo Barakacin Cusub.
Ugu dambeyntii, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiin iyo Waxgaradka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa Qaley sanado badan kuwaasoo ilaa iyo haaatan hal ka keenin Xasiloonida Gobolka.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Riyadh