Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey, Gaadiid Dagaal Oo Loo Soo Wadey Dowlada KGS Oo Al-Shabaab Jidka U Gashey

0
233

Wanleweyn(INO)- Dagaal khasaaro geystay ayaa ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo Alshabaab ka tirsan iyo ciidamada dowlada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM.

Dagaalka oo shalay dhacay ayaa waxaa kasoo baxaya faahfaahino dheeraad ah, waxaana tirada dagaalka ku dhimatay lagu qiyaasay ilaa 11 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii ciidamada Alshabaab wadada u galeen ciidamo Ethiopian ah oo kusii jeeday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, sida saraakiil AMISOM ka tirsan laga soo xigtay.

Ciidamada ayaa xiligaasi la sheegay iney waddeen gaadiid la doonayay in la gaarsiiyo magaalada Baydhabo oo loo waday Dowlada Koofur Galbeed.

Al-shabaab ayaa ilaa iyo hadda ka hadlay dagaalka, waxayna sheegeen in ku dhawaad 6 gaadiidka dagaalka ay ku gubeen dagaalka ka dhacay duleedka garoonka Bali-doogle.

Dowlada koofur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaanan wali ka hadlin qasaaraha dagaalka, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia.

Hoos ka Dhageyso Codka

Idale News Online, Bali Doodle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here