Ceelcade(INO)- Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaas ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo AlShabaab.
AlShabaab ayaa jidka ugalay ciidamada Kenya xili ay kasoo baxeen deegaanka Ceel-Cadde sida ay sheegeen dad kusugan deegaanka Ceel-Cadde.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada AlShabaab iyo kuwa Kenya, waxaase la ogaanayaa in dagaalka uu mudo socday.
Ciidamadii Kenya ayaa isaga baxay deegaanka Ceel-Cadde halkaas oo ay Kooxda AlShabaab la wareegeen.
Hoos ka dhagayso Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Ceel-Cadde
Idale News Online, Ceelcade