Baydhabo(INO)- Saraakiil Ka Socodaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Kuwo Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya AMISOM ayaa Maanta Soo Gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Saraakiiishan Waxa Xarunta Madaxtooyada ku Soo dhaweeyey ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna wasiirka Hub ka dhigista Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eealay), Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshadda Xasan Cabdi Maxamed, taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya Gen. Ibrahim Macalin Kutub, Saraakiil Ciidan ,Taliyaha Booliska Gobolka Bay Col. Mahad C/raxmaan iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin.
Ujeeda Socodaalka Sarakiishan ayaa lagu sheegey in ay tahay sidii ay tababar ugu furi lahaayeen Dufcadii 2aad Ee Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo looga tala galey inay sugaan Amaanka Guud Ee Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhaba