Dhageyso:Amaanka Kismaayo Oo Si Weyn Loo Adkeeyay Xili Uu Furmayo Shirweynaha Hiigsiga

0
228

Kismaayo(INO)- Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kusugan ciidamo badan oo katirsan kuwa Amisom iyo Jubba Wararka aan magaalada ka heleyno ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa lagu daadiyay gudaha iyo daafaha magaalada si ay amaanka uxaqiijiyaan.

Madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa DF Soomaaliya oo ay wehliyaan beesha caalamka ayaa gaaray magaalada si ay uga qeyb galaan shirweynaha qaran ee Soomaaliya.

Xildhibaan Shire Cabdi Axmed ayaa sheegay in magaalada ay la ciir ciireyso masuuliyiintii ugu badneyd isla markaana ay filayaan in madax kale ay yimaadaan.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay kulamo goos goos ah oo magaalada Kismaayo uga soconaya madaxda maamul goboleedyada.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here