Muqdisho(INO)- RW Cumar Cabdirashiid ayaa maanta dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Dowlada Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubba Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay kala aragti duwanaan.
Kullanka waxa Joogey Urur Goboleedka IGAD, Xafiiska Siyaasada QM iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Labada Dowlad Goboleed.
Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Maxamed Mursal Ayaa Goordhow u sheegey Warbaahinta Idale News Online in Wada Xaajood Dheer ka dib ay ogolaatey Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka qiib gasho shirka Hiigsiga 2016 11 Bishan ka furmaayo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.
RW CCC Sharma’arke ayaa garwadeen ka ahaa shirkan, iyadoo lagu dhameeyay wixii kala aragti duwanaan ahaa ee labada Madaxweyne u dhaxeeyay, waxaana si wada jir ah u sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya Kismaayo 11-ka bishan.
Idale News Online, Mudisho