Baydhabo(INO)- Ka dib markii Shaley Aroortii hore Degaanka Goof-Gaduud Ee Gobolka Bay dagaal xoogan uu ku dhaxmarey Ciidamo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwo DFS oo dhinac ah iyo Xarakad Al-shabaab ayaa waxaa dagaalkaasi guulo ka sheegtey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq Caracase oo xaley la hadlayey Warbaahinta Idale News Online ayaa waxaa uu sheegey in qasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamadii Kooxda Al-shabaab ee weerarka ku soo qaadey Degaanka Goof-gaduud Buurey Ee Gobolka Bay, waxaana uu sheegey in ay ka dileen kuwa Al-shabaab 19 Maleeshiyo halka uu sheegey taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta KG Soomaaliya in kuwo kale ay ka dhaawaceen.
Maxamed Isaaq Caracase, waxaa uu sidoo kale sheegey in ay meelo fog fog ay ugu daba tageen Maleeshiyada Al-shabaab oo isagoona intaasi ku darey in weerarka ay ciidankooda laga soo qaadey ay iska caabiyeen.
Taliye Ku Xigeenka ayaa waxaa uu sheegey in dhinacooda 4 Askar in uu kaga dhintey Dagaalkii Dagaalkii Goof gaduud 8 kale dhaawac uu soo gaarey laakiin uu ka shanqariyey in ay qasaaro badan ay gaarsiiyeen ciidankii shabaab ee weerarka soo qaadey.
Halkan Ka Dhageyso
Ugu Dambyntii xaalada Degaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Bay Ee Shaley lagu dagaalamey ayaa Maanta degan.
Idale News Online, Baydhabo