Baydhabo(INO) – Iyadoo Dagaal fara looga gubtey uu ka dhacey Degaanka Goof-gaduud Buurey Ee Gobolka Bay oo u dhexeeyo Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabab, isla markaana waxyeelo badan ay ka soo Gaareen Ciidamadii Dagaalamey iyo Dad Shacab ah oo aysan waxba Galabsan, kuwaasoo Qaar ka mid ah Dhaawacyadood la dhigey Isbitaalka Weyn Ee Degmada Ee Xarunta Gobolka Bay.
Dhawacyadaas, waxa ku jiro Gabadh yar oo 8 Billod jir ah isla markaana labadii waaliid dhaleen ay ku dhinteen Dagaalkii Degaanka Goof-Gaduud Buurey Ee Gobolka Bay, ayaa waxa isbitaalka Booqey Wasiiro uu Hogaaminaayey Ku Simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyagoona u kuur galiyey xaalada Caafimaad dhaawacyadda.
Wasiir Fiqi oo ka dib saxaafadda kula hadlay Gudaha Isbitaalka Gobolka Bay ayaa waxa uu sheegey in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kafaale qaadeyso inantan yar ee weysey Walidiinteeda, isagoona xusey in waxii Dowlada ugu talla gasho ay u soo marsin doonaan Maamulka Cusbitaalka Degmada Baydhabo.
“ Dadka xabadda u quurey gabdhan yare Ee 8 bilood jirka ah waa cadow, Xagge Alle ayey ku nooshahay,Caalamanka iyo Soomaalidu way u jeedaan, niman noocaas ah ayaa dalka ku dhex jiro, Insha Allah Gabadhan waxa kafaalla qaadeyso Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maadaama Hooyadeeda iyo Aabaheed maanta ay dileen nimanka Gudmaadka ummada ku haayaan, Anigoo ku hadlaaya Magaca Madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya; Dowladu waxay kafaalle qadeysa inantan yar, annagoo wax kasto oo Gabadhan Koriimadeeda ayna u soo marsin doono Maamulka Cusbitaalka Gobolka Bay” ayuu yiri Wasiir Maxamed Xasan Fiqi
Dhan kale Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaliya ayaa amaaney Ciidamada Daraawiista Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwo Qiibta 60aad Ee DF Soomaaliya oo Si adag isaga caabey Kooxda Mayalka adag Ee Soomaalida Al-shabab isla markaana waxa la Sheegey inay dooneysey Dagaalkooda ahaado mid la mid ah kuwii Janaalle iyo Leego oo kale kuwaaso lagu baaba’ey.
“ Waxaan U hambalyeynaya Ciidamada DFS, Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Xaalad Caadi ah ku soo celiyey Degaanka Goof-Gaduud, isla markaana meelo fog fog ugu daba tagey Codowga, Dowladu way ka warqabi doonta kii dhaawacmey iyo Kuwii u dhintey Difaac KGS” Ayuu Mar kale yiri Fiqi.
Halkan Ka Dhageyso
Ugu dambeyntii, Degaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Bay ayaa haantan Degan isla markaana waxa halkaasi buux dhaafiyey Ciidamo Gurmud ah oo gaarey Degaankaasi
Idale News Online, Baydhabo