Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka furmi doona kalfadhigii koobaad ee barlamaanka Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Koofur Galbeed Cabdi Qaadir Shariif Shiikhunaa Maye ayaa sheegay in kulanka ugu horeeya ay kaga hadli doonaan xaaladaha deegaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in kulankan looga doodi doono sidii shir dib uheshiisiineed loogu qaban lahaa beelaha deegaanada Bay iyo Bakool iyo Shabellaha hoose iyo sidii xal looga gaari lahaa Maamul Dhawaan Looga dhawaaqey Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Idale News Online, Baydhabo