Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ee Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cumar Zeyntuun ayaa dhawaan gaaray magaalada Muqdisho ka soo qiib galey shir ay lahaayeen Wasiiradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Ee Maamul Goboleedyada Dalka ayaa ka warbixinka safarkaasi.
Waxana uu sheegey in ka soo qiib galey shir Muhiin ah, isla markaana lagu falanqeynaa Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.
Wasaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kaashaneyso kan DFS ayaa waddaan qorshe balaaran oo ay ku tala jirto iney gaarsiiso adeegyada wasaaradda dhamaan gobollada Degaanada KGS.
Ugu dambeyntii, Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo kamid ah xeerarka ugu muhiimsan ayaa horyaalla baarlamaanka Soomaaliya waxaana lagu wadaa in dhawaan la meelmariyo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo