Daawo: Xildhibaan Cali Xasan Oo Isu Soo Sharxey Qabashadada Jagada Gudoonka Baarlamanka KGS

0
266

Baydhabo(INO)-  Aqoonyahan Xildhibaan Cali Xasan Cismaan isu soo sharxey Jagaga Gudoomiyaha Baarlamanka KGS waxana uu Qodo sharaf u Sameeye sameeyey Xildhibaano, Siyasiyiin, waxgarad iyo qaybaha ururada bulshada kala duwan Ee Ku Dhaqan Degmada Baydhabo.

Xafladaasi oo ahayd mid uu kusoo bandhigayay Cali Xassan qorshahiisa siyasadeed ayaa ugu horeyn markii aayadaha quraanka lagu fureyka dib ka Hadley xildhibaano fara badan iyo siyasiyiin waxaana u dhacdey qudboyinkooda sida tan:

  • Xildhibaan Cabdi Maxamed-Nuur: waxaan haddii aanu nahay xildhibanada Koonfur Galbeed Soomaaliya raacsanahay una codeyn doona Mudane Cali Xasan waxaana ku dooranayaa sedax sifo

1.  Cali waa qof lixdan jir ah muddo fogna siyaasada dalka iyo sida loo kala dego ka warqabay.

2.  Cali waa mas’uul dadka dhegeysta taladii macquul ahna qaata balantana ku fiican.

3. Waa shaqsi intaan ka bartey hormarinta dalka iyo dadka waqti badan gelsha.

Hadaba walaalayaal waxaan ka xumahay in doorashada cod qarsoodi ah laga dhigo waayo waxaa ku qarsanaanaya Munaafiqnimo gacantaag ayay ku haboneyd si aan u kala ogaano muwaadhinka dadka qofkey jecelyihiin doranaya iyo midka dhuuniraaca ah.

Xildhibaanka  isagoo Hadalkiisa wata wuxuu yiri

“shalay qaddo uu sameeyey C/qaadir Shequna ayaan ka qayb galay waxaana u cadeyey in aanan doran doonin waxaana ugu sababeyey in dadiisu 35 jir ay tahay dowladii Siyaad Barre iyo Asxaabtiiba sheeko uu ku maqley iyo inuu yahay qof lakeen sadey ee damac masuulba ku jirin waana iga dhab”

Sidoo kale waxa hadashey Xildhibanad Maryan Kafe waxaa ay iyaduna sheegtey “

haddii Gudoomiye Baarlamaan Shabeelaha Hoose lasiiyey anagu waxaanu dooranay Cali Xasan Bay iyo Bakoolna waxaan ka codsanayaa maadaama badan koodu ay balan qaadeen in axadaba la sugin beritoba walaalkeena Cali anagoo dhabarka ku sidna aan baarlamaanka dhex geyno” ayey tiri

si kastaba ha ahaatee, Waxaa hadalkii qaatey xildhibaan Maclin Jiis oo in badan siyasada ku jiirey wuxuuna yiri qofkii ku nooleynkara ayaa usha loo dhiibta Cali Xasan dhan walba waa ka dhisan yahay beel waa Garre waa Ganacsade waa Siyaasi xiliga lagu jiro qofkii Koonfur Galbeed ka bixin lahaa waa isaga.

Ugu danbeyn iyadoo dad fara badan ay hadleen waxaa hadalkii soo gunaanadey Musharax Cali Xasan Cismaan wuxuuna sheegey inuu umadiisa rabitaankooda ku shaqeyn doono dastuur qayaxana oo aan qofkastoo wax nalaleh lagu dulmeynin diyaarin doono. Isla markaana Musharaxa wuxuu sheegey in Barlamanka qofwalba shaqadiisa ku aadan ukala dirayo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here