Dhageyso: Xildhibaan Raabo” Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka KGS Haku Mashquulin Xasradda Gobolka Bakool, Raadiya Saamiga Jubooyinka”

0
256

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Raabo Sheekh Nuur oo  ka mid ah mudanaayasha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya kana Soojeeda  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtey in Xildhibaanadii dhawaan  tagey Degmada Ceelberde  Ee Goolka Bakool isla markaana Halkaas  ka dhisey Maamulka Bakool sare aysan ahay kuwo u dhashey Degaanadaasi.

xildhibaano

Xildhibaan Raabo ayaa sheegey in ujeeda ugu weyn halkaas ay u tageen ay tahay Jahwareeriin iyo foodo ka markii Baarlamanka Soomaaliya uu didey Dhismaha Baarlamanaka Jubbalanad Isla markaana Xaquuqada Beelaha Digil iyo Mirifle ay ku lahaayeen Jubooyinka Ay raadasaneyeen  ayaa sheegtey in  la isku dayey in jahwareeriyo shacabka iyo Siyaasiyiinta lana Ilowsiyo Xaquuqadaasi, isla markaana waxay u xustey in la dooneyo in la isku mashaquuliyo Dhexeeda.

Xildhibaanda ayaa Ku Eedeysay Maamulada Puntlnad iyo Jubba inay yihiin Maamulo Doonaya inay Colaada ka huriyaann Gobolka Bakool, waxay kale Sheegtey in Nidaamka Federlka  Ee Soomaaliya Si qaldan ay u fahmeen Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Sido kale waxay ugu baaqdey Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya in aysan ku mushquulin Arinta Gobolka Bakool isla markaana ay soo dhacdsadaan Xaquuqada iyo Saamiga Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolada Jubooyinka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here