Baydhabo(INO) – Waxa Maanta Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu soo bandhigey ciidamo ka mid ah KG Soomaaliya oo muddo lix Libilood ah tababar uga socday wadanka Jabuuti.
Ciidamadan oo qayb ka ahaa ciidamo ka socday dowladda faderaalka iyo KGS ayaa waxaa tababarkooda bixinayay saraakiil ka mid ah Midowga Yurub iyo dowladda Jabuuti.
Munaasabada Waxa Ka Qiib Galey, Madaxweynaha KGS, Xildhibaano iyo Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Hubka dhisgistey Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka KGS Xasan Xuseen Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in tababarkaan sidoo kale qorshaha inuu yahay in KGS loo tababaro laba boqol oo ciidan, ciidamada hada tababarkooda uusoo dhamaaday ayaa waxaa ay ahaayeen 50-askari.
Waxa uu sheegay arimaha ka hortaga falalka lidku ah Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada inay kusoo qaateen tababarkaan mudadii uu socday, isagoona sheegay inuu tababarka ku yimid , xiriir Dowlada KGS ay samaysay oo ku’aadanayd in gacan laga siiyo tababaradan oo kalle.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo