Baydhabo–(INO)- Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeestay Maamulka Isku Magacaabay Bakool Sarre ee looga dhawaaqay Degmooyinka Waqooyi ee Gobolka Bakool.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacy-galinta Bulashdda Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka looga dhawaaqay Ceel-barde uu yahay mid Sharci daro ah islamarkaana aysan Ogolaan doonin.
“Degmada Ceelbarde waxaa ay ka mid tahay Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Maamul ayaa Koofur Galbeed ugu Magacaaban halkaasi oo Guddoomiye ayey leedahay,Macquulna ma ahan in Mamaul Sharci daro lagu dhisay halkaa laga hirgaliyo”ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed.
Ugu dambeyntii, Maamulkaan ayaa Ujeedka loo dhisay lagu sheegay Tabasho ay qabaan dadka ku nool Degmooyinkaasi oo sheegay in ay aan la siin Xildhibaanadii Maamulka koofur Galbeed ay ku lahaayeen.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo