Marka(INO)- Duqayn dhinaca cirka ah, ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana soo baxaaya warar sheegaaya in Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa lagu qaarajiyay.
Jug is xig xigtay, ayaa caweysnimadii xalay laga maqlay Deegaanka Shanta Ameerika. Shanta Ameerika waxay ku taallaa barta kulmisa Gobolada Shabellaha Hoose, Jubbada Dhexe & Bay. Haddii si kalana loo dhiggo Shanta Ameerika waxay deegaan ahaan ka tirsan tahay Degmada Kunturwaarey.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in duqayntan lagu dilay Madaxii Jabhadaynta Ururka Al Shabaab, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Abuu Cuteyba.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdi Ibraahim Shaamow, ayaa sheegay inay maqleen jug xoogan, laakiin aanay kala cadayn karin cidda uu bartilmaameydku ahaa.
Dagaal-yahano Ururka Al Shabaab ka tirsan oo ku baxay goobtii ay duqayntu ka dhacday, ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala, si aan macluumaad dhameystiran looga helin cidda lala eegtay duqayntaasi.
Ilo wareedyo, ayaa ku waramaaya in Abuu Cuteyba lala dilay xubno kale oo Shabaabka ka tirsanaa, walow ay adag tahay in la’ogaado waxa ay kala yihiin xubnahaasi.
Billihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo badanaayay weerarada dhinaca cirka ay diyaaradaha Mareykanka ka fulinayaan Gobolada Koonfureed Somaliya, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Hoose.
Mareykanka, ayaa hogaanka u haaya dalalka weerarada dhanka cirka ihi ka fulinaya Somaliya. Dowladda Somaliya wax dhib ihi uma aragto fara-gelintaasi, haddiiba lagu ugaarsanaayo Madaxa Al Shabaab.
Idale News Online, Marka