Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka 2016-ka oo Muqdisho ka furmay iyo hadallo laga jeediyay

0
192

Muqdisho(INO) — Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorshooyinka dalka 2016-ka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaasoo noqonaya wajigii labaad oo lagu qabto Muqdisho; iyadoo ay khudbado kala duwan ka jeediyeen mas’uuliyiinta dowladda Somalia iyo kuwa maamullada dalka.

Shirkan oo socon doona laba casho ayaa waxaa looga hadlayaa natiijooyinkii ka soo baxay Shirarkii lagu qbatay gobollada Soomaaliya, iyadoo Natiijooyinkii kasoo baxay Shirarkaas ay noqdeen kuwo si aad ah loogu kala argti duwan yahay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominaya shirka maanta furmay ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay kulammo wada-tashi ah ay u socdeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka, isgaoo rajo ka muujiyay in la isku soo dhawaan doono, argtiydii gobollada dalka laga soo ururiyayna loo qaabeyn lahaa.

“Anagoo ka duulayna wada-tashiyo saddexda maalmood ee lasoo dhaafay noo socday, aad iyo aad ayaa u lafa-gurnay talooyinkii ay shacabka Soomaaliyeed soo jeediyeen, muhiimadda ay leedahay waa sidii loo qaabeeyn lahaa siyaasad Qaranna looga dhigi lahaa, wali dooddu way socotaa, wax badan ayaana dhiman, wax badanna way soo qabsoomeen, waxaa rabaa in la muujiyo dul-qaad, Rajadu ma xuma, guul iyo af-garad ayuuna shirkku noogu dhamaan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, RW Somalia Cumar C/rashiid oo isana shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku tanaasulo, lana muujiyo hanaanka doorashooyinka sannadka 2016-ka, ayna muhiim tahay in arrin dalka iyo dadka dan u ah la isku raaco.

Ergeyga QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka aysan marnaba raalli ka ahayn inuu dhaco waqti kororsi, isla markaana loo baahan yahay in qaab wanaagsan loo wajaho hannaanka doorasho dalka ee sannadka 2016-ka.

Waxaa kaloo, ka hadlay shirka, madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali [Gaas] oo xusay in shirarkii wada-tashi oo ka dhacay lix magaalo oo ka tirsan Puntland ay talooyinkii shacabka soo jeediyeen uu ahaa in doorashada la qabanayo sannadka 2016-ka lagu saleeyo Hab deegaan, isla markaana aan loo baahnayn inuu Baarlmaanka ka mid noqdo xildhibaan dambe oo aan matelin deegaankiisa.

Dhanka kale, Cabdiweli Gaas ayaa xusay in aragtida shacabkooda ay Xushmeynayaan, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo nidaamkii 4.5 ee awood-qaybsiga habka beelaha ah laga gudbo, oo aan mar kale la isticmaalin.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe oo isna hadlay ayaa xusay inaan loo baahnayn in sannadka 2016-ka uu is bedel dhaco, isagoo ku baaqay in wax lagu soo doorto doorashada 2016-ka xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka degmooyinka 18-kii gobo lee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirka ayaa la filayaa inay ugu dambeyn kasoo baxaan qodobbo la isku raacsan yahay oo tilmaamaya habka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here