Baydhabo(INO)-Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay soo aruuriyeen tiro caruur ah oo aad u yar yar oo agoomo ah isla markaana ka mid ah derbi jiifta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Caruurtan yar yar oo aysan Helin Waxbarasho iyo Cunto, ayaa waxay Gollahu uu go’aansadeen inay wax u qabtaan Da’yartan Mustabal la’aanta ku haysto Gudaha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Aqoonyahan Prof. Idiris Cabdi Takhtar, Gudoomiye Ku Xigeenka Gollaha Badbaadada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u sheegey Shabakada Idale News Online, in caruurtan ay xitaa ay Geeyeen Xarumo lagu xanaaneyo Agoomaha isla markaana loo diidey in ay ka mid noqodaan Xurumahaas, waxa uu intaa ku darey in Gollaha Uu Go’aansadey wax u qabashadda agoontan.
” Markii caruurtan Loo diidey Inay ka mid noqodaan Agoomaha Ku jira Xurunta Agoonta Ee Degmada Baydhabo, waxaan go’aansanay in aan gabar u kireyno oo ay xanaaneyso isla markaaana waxaan geyney Goobo waxbarasho” ayuu yiri Idiris
Ugu dambeyntii Aqoonyahayn Idiris Cabdi takhatar waxa uu ugu baaqey umadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Qurbo joogta iyo Ganacsatadda Degaanada Koonfur Galbed Soomaaliya in ay kala qiib qaataan, Wax u qabashada Caruutan.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo