Toronto(INO)- Xildhibaanka kaliya ee ku jira Baarlamaanka dalka Canada Xildhibaan Axmed Xuseen ayaa wuxuu Baarlamaanka dalkaas ka hor-jeediyay su’aashii ugu horreysay ee uu weydiiyay Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau. Su’aasha Xildhibaanka ayaa ku saabsaneyd qaxootiga Suuriya ee immaanaya Dalka Canada.
Dowladda Canada ayaa waxay martigelisay qaxooti badan oo ay kasoo qaadatay dalka Suuriya, kuwaasi oo uu si weyn u soo dhaweeyeen Ra’iisal Wasaare Justin iyo Xukuumaddiisa.
Xildhibaan Xuseen Axmed oo laga soo doorto Koofur Galbeed York ayaa wuxuu yahay xildhibaankii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo isagoo ka socda Xisbiga Shaqaalaha ka mid noqday Baarlamaanka Canada.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Toronto