Baydhabo (INO)—Guddoomiyaha Gobolka Bay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay howlgallada militari ee ka socda Gobolka Bay in ay saameyn ballaaran ku yeesheen Dad barakacayaal ah kuwaasi oo Xaalad nolol xumo ay haatan ku heysato Magaalada baydhabo.
Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Baay oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Dadkan ay ka soo barakaceen markii hore Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka oo ka socda howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.
Waxuu tilmaamay in Maamulkiisa tiro dhowr jeer ay gaarsiiyeen Barakacayaashaasi gargaar mucaawino basle sida uu hdalka u dhigay ay weli Dadkaasi ku dhibaateysan yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Bay ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in la isku haleyn karo amaanka Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay kadib markii amaanka Degmooyinkaasi ay adkeeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Ugu dambeyntii, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo militari oo dhan ah Ururka Al Shabaab waxey ka wadaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay ee Koonfurta Soomaliya.