Diinsoor (INO)—Maamulka Degmada Diinsoor iyo Ururka Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay guulo uga sheegteen Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Degaanka Waraaboow oo 50 Km u jira Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, Maxamed Ibaraahin Nuur Shig-Shigoow oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ka mid ahaa Al Shabaab lagu Dilay Dagaalkaasi.
Waxuu sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Huwanta ay Dagaalkaasi ku furteen dhowr qori oo ah kuwa fudud ee sida daran dooriga u dhaca, isagoona tilmaamay in Ciidamada DFS iyo AMISOM ay Degaankaasi ka saareen Al Shabaab.
Ururka Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in Dagaalkaasi ay ku Dileen in ka badan 10 Ruux oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Sikastaba, Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay in waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 oo ka kala tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Ururka Al Shabaab.