Baydhabo(INO)- Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay soo gaaray Gudiga Xaduudaha iyo Federaalka ee Madaxa banaan oo uu hor kacayay gudoomiyaha gudiga Khaliif Cabdikariin xubnana ay ka yihiin Cabdiqaalikh Xamza, Abuukar Ibraahim iyo Maxamed Muxidiin.
Gudiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Baydhaba waxa ay xafiiska gudoomiyaha gobolka Bay mudane Cabdirashiid Cabdullaahi LFC kula kulmeen gudoomiyaha iyo gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada mudane Cabdullaahi Cali Watiin iyo Saraakiisha Maamulka Gobolka.
Ugu dambeyntii, Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dadka ku dhaqan gobolka Bay iyo sidii tuullooyinka qaar loo hubin lahaa bal inay u qalmaan demo ayada oo loo eegayo tirada dadka ku nool.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo