Baydhabo(INO)- kulan Amniga looga hadlayey oo lagu qabtey Magaalada Baydhabo ayada oo ka soo qeyb galay Gudoomiyaha degmada ahna duqa magalada iyo kan Gobolka Bay, Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Kg ,taliyaha ciidamada AMISON qeebta 3aad ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gado, G/ururka hawenka Goboka Bayl iyo degmada Baydhabo, Gudoomiyaasha Xaafadaha Magalada Baydhabo ,ururka Dhalinyarada iyo qaar ka mid ah bulshada xaafadaha.
kulanka oo looga hadlayey isdhaxgalka bulshada,adkeynta amniga iyo waliba sidii u wada shaqeyn lahaayen lamaha Amniga iyo Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
waxyaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa in hoteelada magaalada loo sameeyo foomam dhanka amniga loogu adkeynayo lagana buuxiyo qofkasta uu seexanayo hoteelada , meesha uu ka yimid, meesha u socdo iyo ujeedkiisa ayada oo hoteelkastaba xaafada uu ku yaalo la ogaanayo dhaqdhaqaakiisa.
Ugu dambeyntii, Musuuliyiinti halkaas ka hadley ayaa waxa ka mid ahaa gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Mudane Cabdullahi Cali Watiin ,gudoomiyaha Gobolka Bay ,Rashiid Cabdulahi, Iyo wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka koonfur Galbeed Ugas Xasan cabdi Maxamed iyo Korneel fasah oo ah taliya ciidamada AMISON qeebta 3aad ,gudoomiyaha Ururka haweenka Marwo Xawo Sakor iyo Marwo Murayo Madeer.
Idale News Online, Baydhabo