Boqolaal ka tirsan Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Ciraaq

0
211

Ciraaq(INO)— Boqolaal ka tirsan Ciidamada Turkiga oo wata taangiyo ayaa ka tallaabay xuduuda, iyagoo gudaha u galay Ciraaq, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Kurdiyiinta.

Ciidamadan ayaa gaaray agagaarka magaalada Mosul, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Kooxda IS, waxaana ka qeyb qaadan doonaan Tababarka Ciidamada Kurdiyiinta ee loo yaqaano Peshmerga, kuwaasoo dagaal kula jira IS.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa lagu cambaareeyay tallaabada Turkiga ay ku soo galeen xuduudooda, isla markaana lagu sheegay inay xadgudub ku tahay madax banaanida.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa ugu baaqay Turkiga in ciidamadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxo, isla markaana uu ixtiraamo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in tallaabada Ciidamada Turkiga gudaha ugu galeen Ciraaq aysan qeyb ka aheyn howl galada Isbaheysiga uu Mareykanka hogaaminayo.

Dowladda Turkiga ayaa door ka qaadaneysa dagaalka lagula jiro IS ama Daacish, waxaana ay ku biirtay isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee duqeymaha ka wada Ciraaq iyo Suuriya.

Idale News Online, Ciraaq