Koox Hubeysan Oo Nin Darawal Ah Ku Dilay Gobalka Shabellaha Hoose

0
207

Afgooye(INO)-Wararka ka imaanaya gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in koox hubeysan ay dileen nin darawal ah oo kaxeeynayey gaari Homey ah, kaasi oo ka mid ah gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa magaalooyin Muqdisho iyo Marka.

Mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga uu waday Darawalka la dilay ayaa u sheegay warbaahinta, in ay kusoo wajahnaayeen Muqdisho, islamarkaana markii ay soo marayeen meel ku dhaw deegaanka Jilib Marka ay rasaas kala kulmeen koox hubeysan.

Waxa uu tilmaamay in rasaastaasi ay haleeshay darawalkii gaariga, islamarkaana uu halkaasi ku dhintay, goobtana ay ka baxsadeen raggii dilkaasi ka dambeeyay.

“Annaga gaariga ayaan saarneen, waxaan usoo soconnay magaalada Muqdisho, rasaas ayaan ka war helnay, darwalka ayeeyna ku dhacday, Meydkii Marka ayaan usoo qaadnay, halkaas ayaana lagu aasay’ ayuu yiri Goobjoogaha.

Gobalka Shabellaha Hoose sidaan oo kale waxaa loogu dilay dad shacab ah iyo darwallo gaadiid kaxeeyay, ka dib markii rag hubeysan ay kala kulmeen rasaas.

Idale News Online,Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here