Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku howlan xallinta xiisadda u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa hadana dhinaca kale sheegay in safarka uu ku bixinayo Labadaasi dhinac uu ku raadinayo in la helo Afar Qodob.
Waxa uu Ra’iisul wasaaraha Labada dhinac ee ku dagaallamay Gaalkacyo ka rajeeyay inay nabadda qaataan, lana xalliyo xiisadda, sidoo kalena ay soo dhaweeyeen dadaalka loogu jiro xallinta wixii dhacay.
Afarta Qodob ee uu sheegay in halkaasi u tagay Ra’iisul wasaaraha ayaa kala ah:-
- Sidii loo damin lahaa colaadda hadii ay tahay Af iyo hub
- Sidii loo baabi’in lahaa daruufaha keeni kara dagaalka, ciidankana lagu kala qaadi lahaa
- Sidii loo soo celin lahaa dadkii ka qaxay Gaalkacyo
- In la sameeyo guddi ka shaqeeya xalinta wixii dhacay, kana shaqeeya xal guud oo la helo
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay tagay magaalada Cadaado oo uu kula kulmay madaxda Galmudug, usii gudbay magaalada Garoowe oo uu kula shiray madaxda Puntland, halkaasi oo xalay uu ku hoyday.
Waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Cumar iyo wafdi wasiiro ah oo la socda inay tagaan magaalada Gaalkacyo oo 22-kii bishaan lagu dagaallamay.
Idale News Online, Muqdisho