Hakad Ku Yimid Dayactirka Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
227

Afgooye(INO)-Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ka dambeysay in hakad ku yimaado dhismaha wadooyinka qaarkood  ee degmadaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi  Cabdiqani Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee hadda loo hakiyay dhismaha wadooyinka qaar ay tahay Roobaka Xilliga Deyrta ah oo dalka ka billawday.

Waxa uu sheegay in wadooyinkaasi biyo ay galayaan iyadoo dhismaha lagu wado, halkaasina ay khasaare kala kulmayaan, sidaa darteed ay joojiyaan illaa isbedal dhanka roobka ah ka imaanayo, ama la helayo xal kale.

“Wadooyin badan baan dayactir ka wadnay, qaar waxaan u joojinay roobabka da’aya iyo digniinaha El Nino, hase ahaatee sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa dib u billaabi donnaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadda howlaha lagu sameynayo wadooyinka iyo sidoo kale bilic soo celinta magaalada ay kaalin weyn ka qaadanayaan ganacsatada iyo shacabka degmada Afgooye.

Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed u magacaabay degmada Afgooye ayaa isku dayaya wax ka qabashada Buburka wadooyinka degmadaasi, iyo sidoo kale la dagaallanka falalka amni daridda ah.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here