Dhageyso: Qabanqaabada xafladda daahfurka “Somali Siman” oo si weyn looga dareemayo Toronto

0
277

Toronto November 19,2015(INO)– Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada si aad ah looga dareemayaa qabanqaabada xafladda daahfurka Somali Siman. Xafladaas oo lagu qaban doono Toronto Plaza Airport (1677 Wilson Ave, Toronto, ON, Canada), maalinta Sabtida ee November 19. Munaasabadaas ayaa waxaa ka soo qeyb gali doono marti sharaf badan oo magac iyo maamuus gaar ah ku leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed kana kala yimid waqooyiga America (Canada iyo Mareykanka). Sidoo kale waxa faagaraha xaflaadaas cudud wayn ka muujin doona golaha aqoonyahanada Somali Siman oo iyagu wada isbedel ku saleysan cadaalad, sinaan iyo iyo in Soomaalidu si dhab ay uga qeyb noqdaan siyaasada, arrimaha bulshada, dhaqaalaha.

Marti sharafta xaflada Daahfurka Somali Siman waxaa ka mid ah Mudane Ahmed Xuseen oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka Canada, Amir Caamir oo ah Farshaniiste Soomaalida aad u taqaan oo degan Alberto Canada, iyo Professors iyo Engineero ka yimid Mareykanka iyo Canada

Dhageyso Engineer Saadiq C/laahi Cabdi oo isugu ka mid ah aqoonyahandii ka yimid dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota oo idaacada ku hadasha afka waramaaya ujeeda iyo himilada Somali Siman:

saadiq

Idale News Online, Toronto, Ontario.