Xudur(INO)-Ururka Al Shabaab ayaa fagaaro ku yaallo deegaanka labaatan jiroow ee Gobolka Bay, waxa ay ku toogteen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, kaasi oo sida Shabaabka ay sheegeen ka ambabaxay Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.
Ciidamo Shabaab ka tirsan ayaa qabtay Askarigaan oo kala degay gaarigii uu saarnaa, waxaana ay geeyeen Deegaanka labaatan jiroow oo ka tirsan Gobolka Bay, halkaasi oo Shabaabka ay ku toogteen.
Fagaaro ku yaallo deegaanka Labaatan jiroow ee Gobolka Bay ayeey ku toogteen Shabaabka Askarigaasi, waxaana magaca Askariga Shabaab ay toogteen ay ku sheegeen magaciisa Bashaar Axmed.
Maxkamada Shabaab ee Gobolka Bay ayaa askarigaasi ku xukuntay dil toogasho ah.
Al Shabaab ayaa xukuno kala duwan ku rida Askarta ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Shabaabka ay gacanta ku dhigaan.
Idale News Online, Xudur