Daawo: Hoteelka Bakiin Ee Magaalada Baydhabo Oo Maanta Dib Loo Furey

0
248

Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta  dib loo furay Hoteel Bakiin oo ah hoteelka ugu weyn magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay kadib markii uu mudo xirnaa.

Munaasabad ballaaran oo xariga loooga jarayey hoteelka Bakiin ayaa lagu qabtay maanta isla International hotel Bakiin taas oo ay kasoo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur-Galbeed  Soomaaliya oo uu hor kacayo wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose masuuliyiinta gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo,Odayaal,Haween iyo Marti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay ugu horeyn qaar kamid aha Masuuliyinta hoteelka Bakiin iyo qaaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha munaasabada oo hadalo lagusoo dhaweynaayey furitaanka Hoteelka halkaasi kasoo jeediyeen.

Waxaa sidookale munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/lahaai Cali Watiin kaasoo sheegay in uu ku faraxsanyahay furitaanka hoteelka isagoo dadweynaha iyo masuuliyiinta hoteelka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amaaanka hoteelada.

Ugu danbeyntii wasiirka arimaha gudaha Iyo Dowladaha Hoose C/raxmaan Ibraahim Aaden Sate ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lafuro meelo ay dadku ku nastaan xiliyada nasashada.

Geba gebadii munaasabada ayaa wasiirka arimaha Gudaha KG Cabdiraxmaan Ibraahim Sate xariga kajaray muujiyayna in maanta laga bilaabo uu furanyahay International Hotel Bakiin ee Magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Baashaa@www.idalenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here