Muqdisho (INO)— Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu dhaawacay agagaarka bacadlihii hore ee degmada Xamar weyne.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka lagu magacaabayay Maxamed Axmed Gurxan, waxaana rasaas ku furay dabley hubeysan oo gaari wadatay, kuwaasoo markiiba baxsaday.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in Xildhibaanka xilliga la tooganayay uu taagnaa nawaaxiga Bacadlihii hore ee Xamar weyne, isla markaana gaari ay niman dabley saarnaayeen uu soo ag-istaagay, dabadeedna ay rasaas la dhaceen.
Guddoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in Xildhibaanka oo dhaawac halis ah qabay loola cararay Isbitaal.
Sidoo kale goob joogayaal ayaa iyana xaqiijiyay in rasaasta Xildhibaanka ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirka, isla markaana dhaawiciisa ahaa mid culus.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabayay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Saxafi.
Sanadkan gudihiis illaa afar xildhibaan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkii la soo dhaafayna illaa todobo xildhibaan siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idale News Online, Muqdisho