Wasiiro Ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Gaarey Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

0
256

Baydhabo(INO)- Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Gaarey Degmada Go’doonsan ee Waajid Ee Gobolka Bakool, halkaasoo  kulumo ay kula yeesheen Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Waxgaradka Deegaanka.

shacabka koonfur galbeed

Wasiiradda  Maanta Gaarey Degmadaas, ayaa waxa ay yihiin wasiirka wasaarada Amniga C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey iyo Wasiirka Caafimaadka Isaaq Cali Subug iyo wasiirka arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose C/raxmaan Ibraahim Adan Sate, iyo Sidoo kale wakiilo ka Socodey Hay’adaha Ka Shaqeeya KGS.

Gudoomiyaha Degmada WaajidC/laahi Yariisow ayaa warbaahinta u sheegey in wasiiradda ay kuur galiyeen xaaladaha aminga iyo arimaha bini’aadanimada, isagoona sheegey in ciidamo gaarayo 300 askari oo loo tababarayo Degmada waajid ay ku booqdeen xirada tababarka ugu socodey.

“ Wasiirka amniga, waxa uu maanta booqadey 300 askari oo dhibow ku jiraan, oo ka tirsanaan doonaan ciidamada daraawiishta koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale wasiirka caafimaadka waxa uu  booqadey xarumo caafimaad ee degmada waajid” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Dhanka  kale Gudoomiye C/laahi Yariisow ayaa hoosta ka xariiqey  in ciidamada loo tababaraayo  degmad waajid ay ka qiib qaadan doonaan sugi amaanka iyo la dagaalanka Kooxda Mayalka Adage Ee  Al-shabaab isla markaana waxa uu xusey in dhawaan degaanada hoostaga degmada waajid laga saari doono Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirto ciidamda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMISOM.

“ Ciidamadan tababarka loo furey ee Daraawishta KG Soomaaliya Ka Tirsan Waxay la dagaalami doonaan Cadowga, dhawaan waxaan rajeynayna in laga saaro degaanada ay ka joogaan Gobolka Bakool oo dhan, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan ka codsaneyna in sida ugu  dhaqsiyaha badan ay u qalabeyso ciidamadan” ayuu  mar kale yiri gudoomiyaha Degmada Waajid.

Ugu dambeyntii, Degmada waajid ee Gobolka Bakool, waxay ka mid tahay degmooyinka ay  go’doomisey Kooxda Al-shabaab Ee Soomaaliya Ka Dagaalanta ,isla markaana inta badan  waxaa xiran dhamaan wadooyinkii  muhiimka ahaa ee Soo Galayey Degmadaasi.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Baashaa@www.idalenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here