Dhageyso:Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya Oo Soo Gaarey Magaalada Baydhabo

0
202

Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Soo gaarey Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinka Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ  Cumar faaruuq.

Cumar Faaruuq Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliya waxa uu kalan ka la qaatey  Gudaha  Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya,Ururka suxufiyinta Koonfur Galbeed Soomaaliya,Mas’uuliyiin iyo Wasiiro ka tirsan KGS.

Waxa uu sheegey in safarkiisu uu daaran yahay sidii uu qiimeyn ugu sameyn lahaa tayada aqoonta wariyaasha Ka hawlgala Koofur Galbeed Soomaaliya isla markaana loo horumarin lahaa aqoontooda tababarona  loo siin lahaa.

“ Mudo sagaal sano ka dib waxaan dib ugu soo laabtey Baydhabo, wax badan ayaa is bedeley ;ujeedada waxa ay tahay  sidii loo tayey laha xirfadda wariyaasha ka hawlgala koonfur galbeed soomaaliya,ogaashaha xaalada dhab ah ee ay ka shaqeeyaan suxufiyiinta, waxaa jiro barnaamij caalami ah suxufiyiinta soomaaliyeed iyo kuwa dunida ay wadaan, inta Baydhabo aan joogno waxaan bixin doonaa tababaro” ayuu yriri Cumar Faaruuq.

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi galinta Bulshada ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Aabe Aawow ayaa ku tilmaamey booqashada Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinka Qaranka Soomaaliya ee uu ku yimid Baydhabo mid taariikhi ah isla markaana waxaa uu amaaney dadaalka uu ka wado Soomaaliya, iyadoona soomaaliya ay mid tahay meelaha dunida lagu dhibaateeyo uguna xun inay ka shaqeeyaan suxufiyiinta.

“ Waaan ku faraxsanahay booqashada Xoghayaha Urur NUSOJ, waana mid taariikhi ah waaye, tayeyta aqoontaa wariyaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Waa mid aynu u ooman nahay waaye” ayuu yiri Wasiir Aabe Aawow.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashada Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya  ee Baydhabo ayaa ku soo beegmeysa Xilli dhawaan Ururka Suxufiyiinka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay doonayaan inay doortaan gudoon cusub.

Ugu dambeyntii tayada  aqoonta Ee wariyaasha ka hawlgala Gudaha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid ay liito inta badan ma helaan tababaro caalami.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Baashaa@www.idalenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here