Daawo:Wasiirada Maaliyadda ee DF iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho Ku Kulmay

0
222

Muqdisho ( INO)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim Fargeeti  oo hadal ka jeediyay kulan 3 maalmood soconaya oo maanta Muqdisho kaga furmay Wasiirada Maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa hoosta ka xariiqay in bulshada Soomaaliyeed in adeeg iyo wax qabad muuqda kaga fadhiyaan Wasaaradahaasi.

Fergeeti ayaa tilmaamay in waxyaabo fara badan ay ku lafa guri doonaan sidoo kalana loo baahan yahay  mid mira dhala kana soo baxa siyaasad mideysan oo dhanka dhaqaalaha ah oo lagu hago Wasaaradahaasi.

Dhinaca kale Cabdinaasir Cabdi Caruush Wasiirka qorsheynta Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay Afka wasiirka Maaliyadda Dowladda KGS ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka shirkani isagoo ahmiyadda shirkaan ku tilmaamay  in ay tahay mid diiradda lagu saari doono Dhibaatooyin la xiriira dhanka dhaqaalaha oo maamul Goboleedyada qaar tabanayaan iyo horumarka xagga maaliyadda.

Caruush  ayaa xusay in ay jiraan culeesyo iyo xaalado adag balse waxa uu carabka ku adkeeyay in ay horumar tahay in Wasaaradahani arrimahooda ay si hoose kaga hadlaan.

Kulankaan maanta Muqdisho kaga furmay Wasaaradaha Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxa uu daba joogaa kulan horay kaga dhacay Magaalada Nairobi oo looga hadlayay dhinaca maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here