Ciidamada KGS iyo AMISOM oo Isaga Baxay Degmada Ufurow Ee Gobolka Bay

0
371

Ufurow ( INO)-Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa isaga baxay degmada Ufurow ee Gobolka Bay taas oo dhawaan ay la wareegeen.

ciidanka KGS

Gaashaanle dhexe Sugow Cali Xasan oo ka tirsan Saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay ka bixitaanka Ciidamada degmada Ufurow taas oo uu ku micneeyay Xeelad Milatari.

Sidoo kale Sarkaalka ayaa shaaca ka qaaday in ay sii socon doonaan Howlgallada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab isagoo qiray in Howlgalladooda ay saameynayaan shacabka walow uu tilmaamay  in marka ay la wareegaan meelaha Al Shabaab ay ku sugan yihiin shacabka ay gaarsiin doonaan gar gaar.

Degmada Ufurow ee Gobolka Bay ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee lagala wareego dhaq dhaqaaqa Ururka Al Shabaab, iyadoo ka bixitaanka Ciidamada huwanta ee degmadaasi ay qeyb ka tahay meelo kala duwan oo horay ciidamadu baneeyeen oo Al Shabaab ay dib u qabsadeen.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here