Dhageyso: Ciidamada AMISOM Oo Xarun Caafimaad U Dhisey Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed

0
245

Baydhabo(INO)- Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Ee AMISOM ayaa maanta xarunta Caafimaad ay ka hargaliyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, taasoo lagu daaweyn doono ciidamada Booliska Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Bulshadda Gobolka Bay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya General Ibraahim Macalin Kutub ayaa sheegey in AMISOM ay dhisteen xarun caafimaad oo wax weyn ka tari doono Caafimaadka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxa uu tilmaamey in shaqaddan ay tahay mid ka mid ah hawgalada ay u joogaan Gudaha Dalka Soomaaliya.

AMISOM Boolis waxay ciidamada booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u dhisteen xarun caafimaad oo qiib ka qaadan doonto daryeelka  ciidamda Booliska, waa xarun  mar weliba laga dhabiibo booliska, AMISOM waxaan ka codsaneyna inay sii laba jibaaraan Gacan qabashada Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri General Ibraahim Macalin Kutub.

Suldaan Warsame Ibraahim Caliyow Ibrow oo ka mid ah Salaadiinta Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa isna amaaney Doorka ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan Xalisoonida Degaanada koonfur Galbeed Soomaliya Isla markaana waxa uu xusey in xaruntan Cusub lagu daryeeli doono Shacabka Gobolka Bay iyo Ciidamada Booliska.

Waxaan u mahad celinaya Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga frika Ee Soomaaliya Oo Door lixaad leh ka qaadanaya Sugida Amaanka iyo daryeelka Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xaruntan Caafimaad Ee AMISOM ka hargalisey Baydhabo waxay tahay mid wax weyn u tari doonto Booliska KG Soomaaliya iyo Bulshada Gobolka Bay” ayuu yiri Suldaan Warsame

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Kooonfur Galbeed Soomaaliya C/ftaax Ibraahim Geesey ayaa isna dhankiisa uu sheegey in AMISOM ay ka wado Gobolada Koonfur Galbeed  Soomaaliya hawgalo lagu sugaayo Amaanka isla markaana ka dhanka ah Kooxda Mayalka Adage Ee Al-shabaab.

Ciidamo boolis ah ayaa Ciidamada AMISOM inoo tababaryaan hadda, waxa maalgalinaysa Dowlada UK, AMISOM door firfircoon oo lixaad leh ayey ka wadaa Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu  Wasiir Geesey.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi ahna Ku simaha Madaxweynaha Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  amaaney kaalinta AMISOM Ee KG Soomaaliya

“ AMISOM waxay wada Tababaro ay siinayso Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya, hadda waxa la tababaraayo Ciidamo gaarayo 600, waxaa socoto daad Gureyntooda, xaruntan Caafimaad ee AMISOM Ka hargalisey Baydhabo waan ugu mahadcelinayna , waxayna qiib ka qaadan doonto in lagu daryeelo Caafimaadka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu Maxamed Xasan Fiqi.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here