Baydhabo(INO)- Odoyaal iyo waxgarad ka soo jeeda Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay oo maanta shir Jaraa’id qabteen Magaalada Baydhabo ayaa Ka dalbay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, DFS iyo Maamulka Gobolka Bay inay xilka laga Xayuubiyaan Gudoomiyaha Degmadaasi, iyagoona ay ku eedayeen in uu dhabaato weyn ka wado Gudaha Magaalada Buurhakaba.
Malaaq Aamiin Ibdow oo ka mid ah Malaaqyada Beesha Eelaay Kana Soojeedo Degmada Buurhakaba ayaa sheegey in Gudoomiyaha Degmadaasi uu ka dambeeyo dhibaato horey ugu dhacdey Degmada iyo shaqaaqado maanta ka dhex dhacey Suuqa Xoolaha Ee Magaaladaasi.
“Waxaan ka dalbaneyna Wasaaradda arimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Bay iyo DFS inay nadhaafiyaan Ninkan oo dhibaato iyo isku horkeena ka dhex wada Bulshadda Degmada Buurhakaba” ayuu yiri Malaaq Aamin Ebdow.
Mayow Osmaan Oo ka mid Waxgaradka Buurhakaba oo maanta warbaahinta kula Hadley Magaalada Baydhabo ayaa si kuluul u eedayay madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu booqaasho ku tagi waayey Degmada Buurhakaba, isla markaana waxaa uu xusey in degmada aysan ka jiran waxbarasho tayo leh, Goobo caafimaad iyo Biyo Nadiif ah.
“Degmada Buurhakana waa Degmo qadiimi ah, Madaxweynaha KGSoomaaliya wuu tagi waayey, isagoona degmooyin kale booqadey, dhibaato weyn ayaa ka jirto oo dhanka maamulka ah, waxaan codsaneyna KG Soomaaliya inay xilka ka qaado Gudoomiyaha degmada” ayuu yiri Mayow Osmaan
Sidoo kale Dhaayow Ibraahim Aadan, ayaa isna sheegey In dhawaan degmaadasi ay gaareen Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed oo ay mid ahaanyeen Wasiirka Hub ka dhigista,dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Wasiirka Amniga C/fatax Geesey iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi LFC Iyagoona sida uu sheegey ay soo kaxeeyeen Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba
“ Dhawaan Markii wasiiradda iyo Maamulka Gobolka Bay ay gaareen Degmada Buurhakaba waxay soo Wadeen Gudoomiyaha Dhibaatada wada, hadda maxay tahay sababta dib looga noqay qofkaasi iyadoona la ogyahay dhibaato hor leh uu wado, maanta markii uu gaarey Buurhakaba shaqaaqado ayaa ka dhacdey magaalada isga ayaa ka dambeeyey” ayuu yiri Dhaayow.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo