Durusalama(INO)— Waxaa bilaabatay tirinta cododka doorashada madaxtinimada dalka Tanzania, kadib maalin dhan oo dadka reer Tanzania ay safaf dhaa-dheer ugu jireen cod bixinta doorashooyinka dalkaas ka bilaabatay maalinimadii shalay.
Shacabka Tanzania ayaa u diyaar garoobaya is bedelka madaxtinimada ee uu dalkaas geli doono, kadib markii Madaxweynaha talada hayay Jakaya Kikwete ay u dhamaatay waqtigiisa, maadaama labo xilli doorasho uu soo hogaamiyay dalkaas.
Labada xisbi ee ku loolamaya Tartankan ayaa kala ah CCM iyo Lukawa oo ay ku bahoobeen xisbiyo isu tagay, maadaama Xisbiga CCM uu muddo sodon sano xukunka hayay, isla markaana awood badan ku leh dalkaas.
Musharaxiinta labada xisbi oo kala ah John Magufuli oo hogaaminaya Xisbiga CCM iyo Edward Lowassa oo isna madax u ah Xisbiga Lukawa ayaa ah labo xisbi oo aad isugu dhow.
Guddiga doorashada ayaa sheegaya in todobo cisho gudahood ay ku soo bandhigayaan natiijada doorashada, waxaana aad u adag in la saadaaliyo cida guusha raaci doonto.
Kooxaha kormeerayaasha doorashada ayaa amaanay habka ay doorashada u dhacday, mana jirto meel laga soo sheegay wax qalalaaso ah.
Dhinaca kale Soomali fara badan oo ku ganacsada dalkaas ayaa rajo ka muujiyay in natiijooyin wanaagsan ka soo baxaan doorashooyinka dalkaas, isla markaana si dimoqraadi ah xukunka lagu kala wareegi doono.