Madaxweynaha Oo Ku Baaqay Meelmarinta Sharciga La Dagaalanka Argagixisada

0
211

Muqdisho ( INO)-Meelmarinta Sharciga waxa loogu yeero la dagaalanka Argagixisada ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ka dalbaday Mudanayaasha Baarlamaanka mar uu shalay furayay kalfadhiga 7aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uuna Madaxweynaha xusay in wax badan ay dowladdu qabsan lahayd ka hortaagantahay sharciyadaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay  jiritaan la’aanta sharciga waxa loogu yeero la dagaalanka Argagixisada  in ay ka hortaagantahay dowladda soo afjarka la dagaalanlka Xarakada Al Shabaab sidaa darteedna lagama maarmaan ay tahay in Mudanayaasha Baarlamaanka ay meel mariyaan sharcigaan.

Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha dalka oo soo hadal qaaday dhaqaalo xumida ka jirta dalka oo sida uu sheegay isweydiinayaan Soomaali fara badan aaya tilmaamay in dhowr iyo 20 sano uu dalku soo maray nidaam la’aan ay dadku caadeysteen balse hadda ay wax weliba ku socdaan isbedel iyo Nidaam ee dowladdiisu la timid.

Geesta kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh ayaa sheegay in Caalamka ay dowladdu ka taageeri karaan dhanka milatariga , dhaqaalaha , iyo horumarka hayeeshee aysan ka taageeri Karin dhinaca siyaasadda wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay doorkii Soomaalida ee ku aadanaa dhanka siyaasad lagu mideysan yahay oo meesha ka maqan in waqtigaan la helo si loo hiigsado hrumar.

Waddanka ayaa waxaa ka jira iminka dhibaato dhaqaalo oo ay wada dareemeen saameynteeda dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here