Baydhabo ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhanka Maaliyadda Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in aysan jirin wax hay’adaha Samafalka ay ka qabtaan Gobolkaasi.
Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa caddeeyay in Tuulo kasta ay ku sugan yihiin Hay’ado fara badan islamarkaana aanu jirin wax ay ka qabteen xaaladaha nololeed ee dadka ku tabaaleysan Gobolka Shabeelaha Hoose.
“ xilli adag ayaa lagu jira waxaan leenahay hay’adaha gudaha ka howlgala dadkiina wax tara , sanad weliba waxaan maqalnaa 500 Million ayaan Soomaaliya ku bixinay oo deeq ah , mana jirto cid wax siisay dadkii loogu tala galay dhaqaalahaas” ayuu yiri Cabdifitaax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wadamada Kala duwan ee Caalamka ayaa lagu qabtaa shirar kala duwan oo looga hadlo arrimaha dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyadoo loogu deeqo hay’adaha dhanka gar gaarka ka shaqeeya ee Soomaaliya ka howlgala lacago fara badan kuwaas oo aanu jirin wax taakula ah ee ay la soo gaaraan dadka dhaqaalahaas loogu yabooho.
Dadka Masaakiinta ah ee Magacooda lagu soo qaato hantidaas faraha badan oo dhawaan Shabelle la hadlay qaarkood ayaa sheegay in deeqaha loo soo dhiibo ay shaqsiyaasd daaro ku jeexdaan islamarkaana ballan qaadyo been abuur ah loo sameeyo aalaaba oo aan wax natiijo ah ka dambeynin.
Ugu dambeyntii, Shabakadda Warbaahinta Idale News Online, ayaa wada baaritaanno la xiiriira shaqsiyaadka iyo hay’adaha ku qooleysta arrimaha Gargaarka ee leexsada hantida loogu soo dhiibo dadka Soomaaliyeed ee daac dareysan.