Baydhabo(NO)-Aqoon isweydaarsi kusaabsan Maamul wanaaaga oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arimaha Gudaha Ee dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wasaarada Arimaha Gudaha Ee Dowladda Koonfur-galbeed Soomaaliya islamarkaana ay taageereyso Hay adda Mashaariic UNDP ayaa waxaa maanta laguqabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa looga faa ideynaayey xubno ka kalasocday wasaaradaha Dowladda Konfur-galbeed Soomaaliya iyo xubno kasocday Maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo.
Aqoon isdhaafsigan oo socondoona mudo labo maalmood ah ayaa furitaankiisa waxaa kasooqaybgalay Wasiirka wasarada Gudaha iyo dowladaha Hoose Ee Dowlada KGS Mudane Abdirahmaan Ibraahim Aaden ( Sate),Gudoomiyaha Gobolka Bay Abdirashid Abdulahi LFC ,Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabbdulahi Cali Watiin iyo Abdirahman Cali gaab.
Waxaana munaasabada ugu horeyn kahadlay Abdirahman Cali gaab oo ah wakiilka Hay’ada UNDP Ee Goboladda KGS Ayaa ka warbixiyey Ujeedada Tababarkan loo qabanaayo.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa waxaa ay kamahadceliyeen aqoon isweydaarsigan iyo sida uu faa’idada uguleeyahay masuuliyiinta maamulada kaladuwan.
Ugu dambeyntii Hay’ada UNDP Ee Qaramada Madoobey Ayaa waxay wadanka soomaaliya ka wada dardar galinta hawlaha mashaariicda iyo wacyi-galinta Bulshadda Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiradda







Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com




