Muqdisho (INO)— Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Amb. Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalkii dhowaan ka dhacay Caabudwaaq ee dhex maray Ciidamo kala taabacsan Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug.
Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in xilligan aanay habooneyn in dhiig uu ku daato Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in wax walba dib u heshiisiin iyo is afgarad lagu dhameeyo.
“Arrinta ka dhacday Galmudug aad ayaa uga xunahay, waana cambaareyneynaa in waqtigan Soomaaliya uu dhiig ku daato, wax loo baahan yahay ma ahan”ayuu yiri Danjire Afey oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Urur Goboleedka IGAD uu gacan ka geysanayo sidii dhibaatooyinka jira lagu dhameeyo wada hadal iyo dib u heshiisiin, bedelkii fowdo iyo dhibaato la hor-seedi lahaa.
“Anaga waxaa walba ku caawini karnaa dib u heshiisiin, dhibaato kasta oo jirtana lagu dhameeyo is afgarad, waxaa muhiim ah in cid kasta ay u baahan tahay nidaam dowladeed, fowdo iyo dhibaato loo horkaco Soomaaliya waxaa ku filan intii hore”ayuu yiri Mr Afey.
Xiisado iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa Galgaduud, iyadoo Ahlusuna Wal-jameeca ay dhowaan ku goodisay inay weerar ku tahay degmada Caabudwaaq oo labo todobaad ka hor ay la wareegeen Ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug.
Idale News Online, Muqdisho