Xiisad dagaal oo ka dhex taagan labada Kuuriya, markii madaafiic is dhaafsadeen

0
204

N,Korea(INO)— Xiisad dagaal ayaa ka dhex taagan dalalka Koofurta Kuuriya iyo Waqooyi Kuuriya, kuwaasoo aan in muddo ahba xiriirkooda wanaagsaneyn, iyadoo maalintii shalay ciidamada labadaas dal ay tiro madaafiic ah isku dhaafsadeen xuduuda.

Madaafiicda labada dhinac is weydaarsadeen ayaa qal qal amni dhaliyay, iyadoo dadka deegaanka ee ku dhow xuduuda labada dal si deg deg ah loogaga saaray, si aanay saameyn khasaare uga soo gaarin.

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriga Kim Jong-un ayaa shir deg deg ah isugu yeeray hogaamiyeyaasha Milateriga, waxaana uu ciidamada ku amray inay dagaal isu diyaariyaan.

Waqooyiga Kuuriya ayaa ka carootay, markii warbaahinta Koofurta ay adeegsadeen erayo ka dhan ah shuuciyada, oo la mariyay sameecado waa weyn oo yaallay agagaarka xuduuda.

Xiisada labada dal ayaa laga cabsi qabaa inay sii xumeyso hadalada ay dhinaca warbaahinta isu marinayaan, waxaana horay u jiray baaqyo laga soo saaray in aan dagaal gacan ka hadal ahi uusan dhicin.

Idale News Online, N.Korea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here