Baydhabo(INO)-Macalimiinta wax dhiga dugsiyada Sare ee ku yaala Magaalada Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay ayaa maanta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya u soo gabagabeeyasy Tababar Ku dhawaad 60 macaliin ah.
Tababarkaasi oo mudo bil ah uga socday xarunta Jaamacada Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo
Munaasabada xiritaanka tababarkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, aqoonyahano madaxa Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay, Wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Ibraahim Iyo Weliba Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Maxamed Cali Watiin.
Waxaana Xaflada lagu soo xirey Tababarka ka hadleyMas’uuliyiyiin iyo Maaalimiintii ka faa’ideystey Tababarka iyagoona dhamaan ay ku dheeraadeen ahmiyadda waxbarashadda.
waxaa ugu horeyn ka hadlay Hormuudka Kulliyadda Waxbarashadda Ee Jaamacadda USS , Abshir Maxamed oo sheegay in looga baahan yahay macalimiinta tababarka qaatay in laga sidii bulshadu ay u gaarsiin lahaayeen wixi ay barteen iyo waxna Uu faah faahiyey Madooyinkii ay barteen mudadii uu socoday tababarka.
Wasiirka Wasaaradda Hidaha Iyo Tacliinta Sare Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Ibraahim ayaa ku dheeraadey dhiira Galinta macalintiinta iyo ka hadalka Deeq waxbarasho oo ay ku guuleysteen tiradda ugu badan ardeyda koonfur Galbeed Soomaaaliya Marka Loo eego Dhamaan Maamul Goboleedyadda Dalka Ka jira.
“Daal noocaan ah marka la bixiyo waxaa loo baahan yahay mira dhalkiisa la arko meeshii laga arki lahaa waxaan rajeeynayaa iney tahay macalimiintii tababarka mudadaasi bilka ah qaadanayay in laga dareemo gobalkii deegaankii meeshii aad ka timid inaad inta kula noqatid aad wax ka badashid”
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo C/laahi Maxamed Cali Watiin ayaa isna dhankiisa sheegey in macalimiintu ay yihiin dhaf dhabarka Dalka isla markaana waxa uu uga mahad celiyay macalimiintii tabbarka loo soo xiray sidii ay ugu dhabar adeeygeen mudadii uu socaday tabbarku.
”waxaa wax lagu farxo ah in Macalimiin Gaareyso 60, ay tababar u soo xirto Jaamacadda koonfur Soomaaliya, ee magaalada Baydhabo oona la barey Madooyinka Scientific-da ah, waxaan idin ku dhiira galinya inaad sii wadaa dadaalkiina, ka maamul ahaan waxaan diyaar u nahay in aan idin garab istaagno” ayuu yiri Gudoomiye C/laahi Maxamed Cali Watiin.
Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Proff. Maxamed Cali Kalaay ayaa gebo gabadii ka hadley xaflada waxaana uu sheegey in Macalimiintii maanta tababar loo soo xirey ay ka kala yimaadeen 8 Iskuul oo ay ku yaalaan Gudaha degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, Waxaaana intaa uu ku darey in tababarkan ay taagyeereyso wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Tababarkaan ayaa qeyb ka ah tababaro dhanka macalimiinta oo ka socanaya Gudaha Jaamacadda koonfurta Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay kuwaasi oo loogu talagalay sidii loo tayayn lahaa aqoonta macalimiinta ayna bulshadu uga faa’ideeyaan.
Halkan Ka Daaawo.
Xasan Bashaa, Idale News Online, Xafiiska Baydhabo