Baydhabo (INO) – Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane (Cabdirashid Cabdulahi Maxamed ) iyo wasirrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane (Saadaat Maxamednuur Caliyow) waxay maanta soo kormeereen Jaamacadda Koofurta Soomaaliya (USS) baydhabo waxayna u kuur galayeen habsami u socodka hawlaha tababarka ee u socda Macalimiin ka kala socota Dugsiyada Magaalada Baydhabo oo ay gacanta ku hayso Hayadda NRC. waxayna ku dardaarmeenta macalimiintii goobtaas wax baraneysay in ay dadaalka badiyaan