Daawo: Cabdi Qaybdiid Oo Ciidamadii Ubadnaa Kusoo Bandhigay Gaalkacyo

0
315

Galkacyo(INO)Madaxweyihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Duleedka magaalada Gaalkacyo ku Booqday Saldhigyada Ciidamada Daraawiishta Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug,  Wuxuuna Ciidamada oo dhoolatus Xoogan muujiyey ku Aamaanay sidii ay ula soo shaqeeyeen.

Qaybdiid ayaa wuxuu sidoo kale Ciidamada oo a ku hubaysan Gadiidka dagaalka ee noocyada kala duwan leh Uga Warbixiyey maamulka Cusub ee dhowaan Madaxwaynihii iyo Ku Xigeenkiisa Lagu doortay magaalada Cadaado.

Dhinaca kale Madaxwayinihii Hore ee Galmudug ayaa wuxuu Maamulka Puntland uga baaqay inay ka dhowrsadaan Dacaayada iyo Colaad Abuurka ay wadaan, wuxuuna sheegay in handadaada Puntland aysan u dulqaadan doonin, oo ayna gacmaha ka Laaban doonin.

Qeybdiid Oo Hadalkisa sii wata ayaa sheegay in ciidamadaani ujeedka loo aasa aasay ay tahay ka shaqeyn nabadda Deeganada Galmudug, Wuxuuna  shacabka Puntland ka codsay in laga shaqeyo nabadda Gobolka Mudug.

Halkan Ka Daawo

174 184 192 210 45 65 73 83 93 104 105 111 112 134 144 166Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here