Xulafada Uu Hogaamiyo Mareykanka oo Duqeeyay Xarunta Daacish Ee Raqqa

0
227

Raqqa(INO)— Xulafada uu hogaamiyo Mareykanka ayaa weeraro cirka ah ku qaaday magaalada Raqqa ee bariga dalka Suuriya, halkaasoo la aaminsan yahay inay tahay xarunta Daacish.

Yemen22

Raqqa ayaa aheyd halkii looga dhawaaqay Khilaafada Islaamka ee Daacish sanadkii hore, waxaana isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka uu u arkayay goobaha ay aadka ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo hogaamiyayaashooda.

Mareykanka ayaa la sheegay inuu kordhiyay weerarada cirka ah uu ka waday dalka Suuriya, gaar ahaan magaalada Raqqa.

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigiisa yahay magaalada London ayaa sheegay in illaa 23 ruux oo ka mid ah Daacish ku dhinteen.

Sidoo kale waxaa uu ururku sheegay in weerar ay fulisay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drones ku dhinteen shan qof oo rayid ah oo uu ku jiro canug yar, markii ay gantaal ku dhifatay iskuul ku yaala Raqqa.

Afhayeen u hadlay Milateriga Mareykanka Lt Col Thomas Gilleran ayaa ku tilmaamay duqeymaha kuwo muhiim ah oo lagu hor-istaagayo dhaq dhaqaaqa milateri ee Daacish iyo inay qalabkeeda milateri ay isugu gudbiso Ciraaq iyo Suuriya.

Isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa sii xoojiyay duqeymaha uu ka geysanayay gudaha dalka Suuriya.

Idale News Online, Raqqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here