Dhageyso: Dowladda KGS Oo Si Rasmi Ah Baydhabo Ugu Daah Furtey Xafiiska Laanta Socodaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

0
231

Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,lagu daah furey Xafiiska Guud Ee  Laanta Socodaalka Iyo Jinsiyadda Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Laanta Socodaalka KGS

Munaasabadda  lagu Daah furayey Xafiiskaasi, waxa ka qiib galey  Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Odayaasaha Dhaqank, Waxgarad Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bay iyo Bulshadda Rayidka ee Baydhabo,

Agaasimaha Guud ee Laanta Hogaanka Socodaalka Iyo jinsiyadaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Maxamed (Cali Dhuux) ayaa ugu horeyn  munaasabadaasi ka hadley.

” waxaan u dhabar adeegney  sidii aynu ku heli lahayn  dhismo inoo noqoto  Xasiika laanta Socodaalka ee KG Soomaaliya, sartan Quruxda badan ee aad u jeedaan, oo ayna leedahay dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maanta waxa diyaar loola yahay inuu ka shaqeeyo laanta Socodaalka  iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Shaqaalihii waa na loo  soo tababarey way joogaan, waxaan rabaa in aan fursadan ugu faa’ideysto, in Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya Gaar ahaan kuwo ku Nool Gobolka Bay iyo Agagaarkiisa in hadii inuu furo Ku Simaha Madaxweynaha KGS aynu degmada Baydhabo ka bixin doono Dal ku galkii Ugu horeeyey” ayuu yiri Cali dhuux.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Bay, C/rashiid C/laahi  ayaa baaq u direy dadka  doonaya inay  Sanadkan aadan Xajka isla markaana Baasa-boor u aadi jireen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya in hadda iyo waxii ka dambeeyo ay tagaan Xarunta Laanta Socodaalka iyo Jinsiyada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

” Waxaa Fooda Inaga soo haysto Bisha Dul-Xaj dadka doonaya in Xajka aadaan, waxaan u sheegeyna in loo fududeeyey isla markaana  Xafiiska Laanta Socodaalka Iyo Jinsiyadda KG Soomaaliya uu soo diyaariyey Waxii ducuments ah ee ay u baahan yihiin in laga caawiyo” ayuu yiri Gudoomiye C/rashiid

Ugu dambeynii, waxaa Munaasabadda ka hadley Ku simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka  Wasaaradda Maaliyadda Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur ayaa ka dalbadey Halwadeenada Xarunta Laanta Socodaalka iyi Jinsiyadda KGS inay La xaqiijiyo Muwaadin Qaadanaya Passport-ka Soomaaliya, waxaana uu  Si rasmi ah isla Goobtaasi uu ku daah furey Xafiiska Guud ee Laanta Socodaalka iyo Jinsiyadaha KG Soomaaliya.

” in si fiican loo xaqiijiyo Muwaadinka doonaya Inuu qaato Passport-ka Soomaaliya,  waa inuu ahaada qof u qalmo,inuu la yimaado  wixii sharci ah ee looga baahan yahay  oona soo marey Dowladda Hoose Ee Baydhabo” ayuu yiri

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here